Madaxweyne Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada.

Muqdisho:- Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabad isaga iyo wafdigiisa lagu soo dhaweynayey oo xalay Muqdisho ka dhacay ayaa u jeediyey Baarlamaanka dalka inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka lagu gaarsiinayo oo todobaadkii hore ay dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo uu wehliyo gobolka Banaadir ay ku heshiiyeen.

Waxa uu sheegay in heshiiskaas uu ku yimid wada-xaajood muddo socday oo Soomaalida dhexdeeda ah, islamarkaana lagu saleeyey hanaan dhexdhexaad ah oo aan cid gooni ah loogu danayn, isagoo u mahadceliyey madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dadaal badan ku bixiyey sidii loo gaari lahaa go’aan talo wadaag ah.

Sii hayaha Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo munaasabadaas ka hadlay ayaa xusay in dawlad goboleedyada oo Puntland ugu horrayso ay mas’uuliyad ka saarantahay inay dawladda dhexe kala shaqeeyaan hirgalinta nidaamka Federaalka, waxaana uu intaa ku daray in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Wasiir iyo Xildhilaanba ka soo noqday Federaalka uu arrintaasi dareensanyahay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa isaguna xusay in madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba ay ahmiyad u leedahay inay aayahooda iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa u go’aamiyaan si madax banaan oo uusan shisheeye ku luglahayn.

Munaasabadda lagu soo dhaweynayey madaxweynaha Puntland waxaa ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Federaalka, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.