QM oo Booliska Soomaaliyeed kala hadlay Qorshaha Amniga Doorashooyinka soo socda.

James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya ayaa maanta kulan dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed.

Shirka ayaa Arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ah, isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya, iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha ammaan ee doorashooyinka soo socda.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa balan qaaday inay taageero horleh siinayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliska oo kaalin dhanka Amniga ah ka qaata Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay taageerada ay had iyo jeer siiyaan Soomaaliya.

Dhanka kale Hay’adaha kala duwan ee Qaramada midoobay ayaa waxaa ay Soomaaliya siiyaan taageero kala duwan, sida Amniga dhaqaalaha iyo Arrimo la xiriira caawinta dadka barakacayaasha ah