Qarax miino oo xalay ka dhacay wada warshadaha ee Magalada Muqdisho.

Waxaa ka soo baxaya Faafaahino dheeraad ah Qarax miino oo xalay ka dhacey wada warshadaha ee magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa laamiga mara xaafadda suuqa xoolaha iyo isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho kaas oo kala qeybiya degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka banaadir

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxaasi uu ku qarxay raggii miinada ku aasayay halkaasi kuwaas oo gaarayey 4 qofood, waxayna dadka Deegaanka sheegayaan in ragaasi miinada dhigaayay ay ku dhamaadeen.

Ciidamada ammaanka ee degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa ayaa halkaasi gaaray, waxaana halkaasi saakay lagu arkay meydadka raggii aasayay miinada oo waran halkii ay masiibada kala kulmeen.