Madaxwaye Qoor-Qoor oo kulan la qaatay xildhibaannada laga soo doorto Deegaanada G/Mudug.

MUQDISHU:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Hoyga uu ka deggan yahay ee Magaalada Muqdisho casuumaad ugu sameeyay xubnaha labada gole ee Barlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Galmudug .

Kulankaan waxaa ka soo qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo dhammaan Xildhibaanada Galmudug laga soo doorto.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu horayn u mahad celiyay dhammaan intii ka soo qayb gashay, wuxuuna si kooban uga warbixiyay Galmudugta cusub, waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsheyaasha mustaqbalka dhaw uga degg-an arrimaha horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo dib-uheshiisiinta.

Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee ka soo qayb galay casuumaadda ayaa ugu danbeyntii ka mahadceliyay casho sharafta madaxweynuhu u sameeyay, waxayna boggaadiyeen dadaalada Horumarineed ee ka socda Galmudug.