Gudoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray kawaanka Hilibka iyo Qudaarta Degmada X/wayne.

Muqdisho:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar ayaa maanta xariga ka jaray kawaanka Hilibka iyo Qudaarta Degmada Xamarwayne kaasoo dayactir lagu sameeyey.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa ku- xigeenada Duqa Magaalada Muqdisho Dhinacyada Maaliyadda iyo Howlaha Guud Mudane Axmed Xassan Iimaan & Mudane Cumar Cali Cabdi, Xildhibaan Khaalid Macoow, Agaasimayaal, Maamulka iyo qaar kamid ah Shacabka Degmada Xamarwayne.

Dhismaha Kawaankan iyo Qudaarta ayaa wax badan ka tari doona sare u qaadista ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha ganacsatada ku dhaqan degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir.