Fowziya Koofi: Gabadhii ka qoslisay hoggaamiyeyaasha Taliban

Fowzia Koofi markii ay yareyd waxay ku riyoon jirtay inay mustaqbalka dhakhtarad noqoto, laakiin hamigaas wuxuu ka burburay markii ay kooxda Taliban la wareegtay talada dalka Afghanistan. Waxay xabsiga dhigeen seygeeda. Kaddib isagoo xiran waxaa ku dhacday qaaxo, markii ay sii daayeenna cudurkii ayuu u geeriyooday. Markii dambe waxay noqotay siyaasiyad, Taliban ayaana isku dayday inay dilaan iyada.

Haddana sidaas oo ay tahay, waxay ku dhiirratay inay hor fariisato.

“Waxaan matalayay dalkeyga. Waxaan matalayay haweenka reer Afghanistan”, ayey tiri iyadoo la hadleysay BBC-da.

Cabsi ima galin

Bishii February 2019, iyada, oo ay wehlineysay haweeney kale oo u doodda xuquuqda dumarka, ayaa galay qol uu leeyahay hoteel ku yaalla magaalada Moscow, halkaasoo ay ku jireen 70 rag ah.

.

Hal dhinac oo ka mid ah qolka waxaa fadhiyay saraakiisha Taliban, iyagoo ay horyaalleen halkudhigyadooda iyo astaamahooda.

Dhinaca kalena waxaa fadhiyay labadahaweenka ah oo kuraastooda dhex dhigtay siyaasiyiinta reer Afghanistan iyo shakhsiyaadka u dooda xuquuqda, kuwaasoo dhammaantood rag ahaa.

“Cabsi ima galin. Aniga muhim ayey ii ahayd inaan mowqifkeyga ku taagnaado”.

Fowziya waxay ka mid ahayd dumarka farakutiriska ah ee qeybta ka noqday ergooyinkii Afghanistan ee wadaxaajoodka la galay kooxda Taliban.

Muddadii dheereyd ee ay wadahadallada jiitamayeen, hoggaanka kooxda Taliban way diideen inay si toos ah u horfariistaan saraakiisha dowladda Afghanistan, iyagoo sheegayay inaysan aqoonsaneyn waxa ay ugu yeereen “xukuumadda la naas nuujiyo ee uu fadhigeedu yahay magaalada Kabul”.

Laakiin markii uu cadaadis badan uga yimid dhinaca Mareykanka iyo Ruushka, ugu dambeyn waxay oggolaaden inay miiska wadahadalka la tagaan ergo aan rasmi ahayn oo mataleysay Afghanistan.

Wadahadalladii Moscow iyo Dooxa

Fowziya waxay ku jirtay kooxda ka socotay dhinaca dowladda Afghanistan, waxayna labo jeer la kulantay wakiillada ka socday dhinaca Taliban, kuwaasoo ay isku arkeen magaaloyinka Moscow(Ruushka) iyo Dooxa(Qadar).

Fawzia Kofi oo warbaahinta kula hadleysay magaalada Kabul

“Aad baan u qaddarinayay dhinaca kale. Waxaan u sheegay in Afghanistan ay hadda malatayaan dad kala duwan oo isku dhaf ah, waddankuna uusan u xayirneyn hal fikir oo gooni ah”.

Ma ahayn wadaxaajood qof walba uu xor u ahaa, wakhti kooban ayaana la hadlayay.

“Qaar ka mid ah xubnaha Taliban ayaa aniga isoo eegayay. Qaar yarna hadalkeyga ayey qoraallo ka sameysanayeen. Qaar kalena meelo kale ayey isaga sii jeedeen. Aniga ma arki karin wax qeyrul caadi ah”.

Waxay ka qoslisay Taliban

Maadaama ay ahayd qof ay nolosheeda si gaar ah khatar u galiyeen Taliban, waxay toos ugu wajahday arrimaha la xiriira xuquuqda haweenka. Waxay ku adkeysatay sida loogu baahan yahay in dumarka ay qeyb weyn uga noqdaan hannaanka lagu raadinayo nabadda.

.

“Marba haddii ergada dhinaceenna ay haween ku jireen, waxaan soo jeediyay in iyaga laftooda[oo Taliban-ka ah] looga baahan yahay inay dumar kusoo daraan ergada wadaxaajoodka usoo aadeysa. Islamarkii uu hadalkaas afkeyga kasoo baxayba way wada qosleen”.

Kooxda Taliban waligood ergadooda kuma aysan soo darin haween.

Intii uu jiray maamulkooda, oo ah muddadii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii, waxay dumarka ka mamnuuceen goobaha fagaareyaasha ah waxayna ka hor istaageen inay wax bartaan ama shaqeeyaan.

Haweeney ma noqon karto madaxweyne

Iyadoo nolosheeda oo dhan ku qaadatay gudaha Afghanistan, Fowziya way ogeyd in maamul noocaas ah uu ka hor istaagi doono inay mustaqbalka ku biirto dowladda.

.

Markii ay tookadooda hadlayeen ergada dhinaca Taliban, nin ka tirsan kooxda wadaxaajoodka u mataleysay ayaa ka jawaabayay hadalkii Fowziyo ee ahaa inay ergadooda kusoo daraan dumar.

“Waxay dhaheen haweeney way noqon kartaa Ra’iisul Wasaare laakiin ma noqon karto madaxweyne. Waxay kaloo dhaheen haweenka ma noqon karaan garsooreyaal”.

Sharciga ay kooxda Taliban ku dhaqanto, oo hoos taga shareecada Islaamka, wuxuu dhigayaa in ragga oo kaliya ay noqon karaan garsooreyaasha maxkamadaha.

Fowziya arrintaas lama aysan yaabin.

Xuduudaha Islaamka

Hal bil kaddib, Suhail Shaheen, oo ah afhayeenka xafiiska siyaasadda ee ay Taliban ku leedahay Qadar ayaa BBC-da u sheegay; “axaa naga go’an inaan dumarka siinno xuquuq kasta oo uu islaamka u oggol yahay. Waan aqbalnay xaqa ay u leeyihiin inay wax bartaan”.

.
Qoraalka sawirka,Mintidiinta Taliban waxay sheegeen inay diyaar u yihiin sidii ay haweenka u siin lahaayeen xuquuqda uu islaamka u oggol yahay

Laakiin xaqiijintaas waxaa ku xiran shuruud.

“Haweenka way shaqeyn karaan, waxna way baran karaan, laakiin waa inay ahaato mid ku jirta xuduudda shareecada Islaamka iyo dhaqanka Afghanistan”, ayuu kusii daray hadalkiisa.

Kuma waafaqsani

Dadka Fowziya oo kale ah, arrinta noocaas ah dhibaato ayey kala kulmaan. Islaamka wuxuu leeyahay hal kitaab oo Quraan ah, laakiin waxaa jiro oraahdo badan oo laga soo tabiyay Axaadista Rasuulka iyo su’aalo kale oo qaarkood ay khilaaf dhaliyan.

.
Qoraalka sawirka,Maamulkii Taliban wuxuu waxbarashada ka hor istaagay haween ay ku jirto Fowziya

“Waxaan maqlay fikrado iska hor imaanaya oo ku saabsan wax barashada dhinaca Islaamka. Taliban waxay raacaan aayadaha quraanka kaliya”, ayey tiri.

Fowziya waxay goob joog u ahayd sidii ay Taliban xukunka kula wareegeen. Markii ugu horreysay ee ay dagaallame Taliban ah aragto waxay ahayd bishii September ee sanadkii 1996-kii.

Riyo Burburtay

Islamarkii ay maamulka dalka qabsadeen waxay burburiyeen riyadeedii ahayd inay mustaqbalka dhakhtarad noqoto. Waxaa lasoo saaray sharci gabadhaha ka mamnuucaya inay dugsiyada iyo jaamacadaha aadaan.

Waxay joogtay Kabul, waxayna luuqadda ingiriiska bari jirtay gabadhaha laga soo eryay iskuullada.

Taliban waxay sidoo kale soo saartay sharci ay dumarka ugu amreyso inay jirkooda oo dhan ku qariyaan dharka.

.

Tallaabo sharci diid ah

Fowziya waxay sheegtay ay soo saareen shuruuc ka baxsan dhaqanka Afghanistan, sida in dumarka ay jirkooda oo dhan dharka ku daboolaan.

“Waligey masoo iibsanin dhar noocaas ah, sababtoo ah ma doonayo inaan lacag ku bixiyo wax kasoo horjeeda dhaqanka”.

Geeridii seygeeda

Isbaddalkii ay la timid kooxda Taliban aad buu u waxyeelleeyay Fowziya. Intii muddadaas lagu jiray seygeeda ayaa u dhintay cudurka qaaxada, kaddib markii ay xabsi dhigeen kooxaha mintidiinta ah.

.

Sanadkii 2005-tii ayey go’aansatay inay ka qeyb qaadato doorashada kuraasta baarlamaanka.

Aabaheed, Abdurahman Koofi, ayaa ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, tan iyo markii ay soo ifbaxayeen kooxda jihaad doonka ah ee Taliban.

Wuxuu isku dayay inuu taageero raadiyo laakiin ugu dambeyn wuxuu ku dhintay gacanta kooxdan, arrintaas ayaana gabadhiisa dhiirrigalisay.

Markii ay ka badbaadday weerarka Taliban

“Bishii March ee sanadkii 2010-kii, waxaan aaday gobolka Nangarhar si aan uga qeyb galo dabaaldagga Maalinta Haweenka Adduunka. Markii aan safarka kasoo laabtay, kolonyadii gaadiidka ee aan la socday ayaa la weeraray”.

.
Qoraalka sawirka,Koofi waxay sheegtay in wadahadallo dheeraad ah loo baahan yahay si loo fahmo ujeeddada Taliban

Rasaas ayaa nalooga soo furay dhinaca wabiga iyo dhinaca buurta dusheeda.

Fowziya iyo labadeeda gabdhood waxaa maalintaas badbaadiyay ciidankii ilaalada u ahaa, kuwaasoo gaari ugu kaxeeyay god ku yaalla dhulka buuraleyda ah, halkaasoo durbadiiba looga qaaday qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo geysay magaalada Kabul.

Fowziya waxay sheegtay in labadeeda gabdhoodba ay hadda dhigtaan jaamacadaha magaalada Kabul.

Xigasho:BBCsomali