Dagaal culus oo saakay ka dhacay Duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Xoogga iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay dagaal culus uu ku dhexmaray Deegaanka Miirdugul ee koofurta magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan weli la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, islamarkaana haatan ay iyagu gacanta ku hayaan ciidamada xoogga.

Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee looga saarayo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Miirdugul ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ka cararay dagaalkaasi.