Coronavirus: WHO oo ogolaatay tijaabada dawo-dhireedka Afrika.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa aqbashay qaabka loo tijaabinayo dawa dhireedka Afrika ee lagula dagaallamayo fayraska korona.

Sida sayniska uu yahay waa in lala qabsado aasaaska badqabka iyo waxtarka dawooyiinka dhaqanka, sida ay hay’adda sheegtay.

Dawo kasta oo dhaqan ah oo la caddeeyo in ay waxtar leedahay, waxay noqoneysaa mid si degdeg ah loo soo saaro, looguna adeegsado daweynta ama ka hortagga coronavirus.

Madaxweynaha dalka Madagascar ayaa horey u buunbuuniyay dawo dhaqameed aan tijaabo lagu sameyn. Wuxuu sheegay in fayraska ay dawo u tahay in kastoo WHO ay diidaneyd in la isticmaalo wax aan la tijaabin.

WHO waxay sheegtay in qaababka cusub ee tijaabada ay tahay arrin lagu dhiiragelinayo saynisyahannada Afrika si ay tijaabo waxtar leh ugu sameeyaa dawada.

Tallaabadan waxay ku soo aadeysaa xilli kiisaska coronavirus ee caalamka ay dhaafeen 30 milyan, iyadoo daafaha caalamka ay ugu dhinteen in ka badan 957,000 oo qof.

Illaa 1.3 milyan oo kiis ayaa Afrika laga soo sheegay, waxaana ku dhimatay 33,000.

Qiyaas ahaan, 140 nooc oo tallaal oo loo diyaarinayo Covid-19 ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, qaar ka mid ahna waxaa lagu sameeyay tijaabada bini-aadamka.

‘Dardargelinta cilmi-baarista’

Dadaalladaas oo dhan ka dib, waxaa si rasmi ah loo fasaxay in dawada dhaqanka Afrika ay gasho wejiga seddaxaad ee tijaabada.

Guddi khubaro ah oo ay soo wada saareen WHO, Xarunta ka hortagga Cudurada ee Afrika iyo Midowga Afrika, ayaa isku raacay hannaanka ay u marayaan tijaabada.

Wejiga seddaxaad ee tijaabada waxaa lagu eegaa badqabka iyo waxtarka dawada oo ay ka qeybgalayaan dad badan oo iskood isu soo saaray.

“In la raaco dikumiintiyo farsamo, waxay xaqiijineysaa in caalam ahaan ay noqoto mid la aqbali karo cadeynta waxtarka dawo-dhaqameedka si loogu daweeyo Covid-19, waxaana la soo saarayaa iyadoo la eegayo badqabka dadka lagu tijaabiyay,” ayuu yiri Prof Motlalepula Gilbert Matsabisa, oo ah gudoomiyaha guddiga.

“Markii uu bilowday fayraska Covid-19, si la mid ah Ebola xilligii uu ka dillaacay Galbeedka Afrika, waxaa soo baxday in baahi wayn loo qabo in la helo hannaan caafimaad oo adag iyo dardargelinta cilmi-baarisyada iyo barnaamijyada horumarinta, sida dawooyiinka dhaqanka,” Dr Prosper Tumusiime oo ka tirsan WHO ayaa sidaa ku sheegay warqoraal ah.

Bishii April, madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, wuxuu billaabay cabitaan dabiici ah oo uu ku sheegay in uu ka hortagayo fayraska korona. Waxaa muddo seddax isbuuc ah lagu tijaabiyay 20 qof oo cabay.

Mr Rajoelina ayaa dunida soo hordhigay dawadaas, in kastoo dalkaas laga soo sheegay in kabadan 15,925 iyo 216 dhimasho ah oo coronavirus uu sababay.

Cabitaanka oo sidoo kale loo diray dalal dhowr oo Afrikaan ah, Waxaa soo saaray Machadka Cilmi-baarista caafimaad ee Madagascar. Waxay dawo-dhaqameedkan ka sameysan tahay dhirta loo garanayo artemisia – oo loo adeegsado daweynta cudurka malaariyada ama duumada – waxaa sidoo kale lagu daray dhir kale.

Dr Tumusiime wuxuu sheegay in iyadoo la raacayo Shuruucda Tallaalka Afrika ee WHO, in hadda tijaabo caafimaad lagu sameynayo dawada gobolka lana qiimeyn doono, sidoo kalena lagu ansixin doono muddo 60 maalmood ka yar.

Xigasho:BBCSomali