Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal Qorshaysan ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose waxaana la sheegay inay ku soo qabteen qaraxyo ay Al-Shabaab ku diyaariyeen duleedka Bariire.

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal lagu soo qabtay qaraxyo sidoo kale ay soo saareen qaraxyo ay Al-Shabaab ku aaseen Tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose.

Wuxuu sheegay Taliyaha in Howlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ay Ciidamada ku dileen Xubno ka tirsan, kuwaasi oo uu sheegay inay gaarayaan 13 Xubnood.

Ciidamada Dowladda ayaa inta badan howlgallo ka fuliya degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab.