Ra’iisul wasaare Rooble oo u diray fariintiisii ugu horeysay Golaha Shacabka.

Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.

Dhanka kale Warar ayaa sheegaya in qorshuhu yahay Isniinta berrito in Rooble la hor geeyo xildhibaanada golaha shacabka, si cod loogu qaado. Waxaana saacadihii u dambeeyey Muqdisho ka socday kulamo gaar-gaar ah oo uu ku kasbanayo xildhibaanada, si ay codkooda kalsoonida u siiyaan.