Kooxda Arsenal oo 2-1 kaga adkaatay West Ham United, gaartayna Guusheeda 2-aad horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah ka gaadhay horyaalka Premier League, waxaanay 2-1 ku garaacday West Ham United oo xili ciyaareedku ugu bilowday guul-darrooyin isku xiga.

Mikel Arteta oo kooxdiisu ay ciyaartii furitaanka guul weyn kasoo gaadhay Fulham ayaa waxay caawa garoonka Emirates ku qaabishay West Ham United oo kulankii hore ay Newcastle kasoo badisay, waxaana Gunners ay xaqiiqsatay in rikoodhkeeda guulaha ay sii wadato.

Weeraryahanka reer France ee Lacazette ayaa gool-dhalinta ciyaarta furay, kaddib markii uu madax ku dhaliyey kubbad uu ka helay Aubemayang qaybtii hore, laakiin Antonio ayaa ciyaarta ka dhigay 1-1 daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore.

Dhamaadkii ciyaarta oo ay shan daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay ayaa uu Arsenal goolka guusha u dhaliyey Eddie Nketiah oo beddel kusoo galay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-1 ay libinta la hoyatay Gunners.