CCW”Heshiiskii Maxweynaha iyo madaxweyneyaasha maamul gobaleedyada wuxuu ahaa mid ka ka bad baadiyay..”

Muqdisho:-Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la hadlayay warbaahinta ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in heshiiska doorasho ee dhowaan ay wada geleen, madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha maamul gobaleedyada inuu ahaa mid ka bad baadiyay Soomaaliya dhibaato ku soo socotay.

Madaxda maamul goboleedyada ayuu ugu baaqay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur inaysan Muqdisho ka tagin, inta uu golaha shacabka ka meel marinayo heshiiskaasi.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur wuxuu ugu baaqay guddoonka golaha shacabka inay kaalintooda kaga aadan ka qaataan, meel marinta heshiisyadii lagu gaadhay shirkii Muqdisho.

Hay’adaha Ammaanka dalka ayuu dhinaca kale waxa uu ku eedeeyay, in ay ku dhex milmeen siyaasadda dalka, taas oo keentay in ay dayacaan, hawlohoodii loo igmaday ee dhanka ammaanka, isagoo xusay in ay u istaagaan sugidda amniga dalka gaar ahaan u diyaar garowga doorashada.

“Waxaaa boob lagu bilaabay, kuraasta Labada Aqal ku yeelanayaan Soomaaliland, taas waa in laga waantoobo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Dhanka kale wuxuu ku baaqay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame in loo cadaalad falo musharaxiinta isku soo sharaxi doonta doorashooyinka soo socda , isla markaasina ka digay in la musuq maasuqo.