Madaxweyne Farmaajo miyuu tanaasulay mise?

#Madaxweynaha dowladda federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbaddiisa uu caawa ka jeediyay xafladdii sagootinta waxaa uu ka jeediyay khudbad aan badi looga baran.

#Khudbadda Farmaajo ayaa tilmaamaysa in madaxweynuhu uu darbiga soo taabtay, islamarkaana uu xaqiiqsaday in damaciisa ahaa muddo kororsi uusan u hirgali karaynin xilligani.

Muxuu kala jeedaa khudbadii caawa eedeenta dawlado shisheeye!

#Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku dhalliilay dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah kuwaasoo uu leeyahay “Dalkii ayaan ka dhisi la’ nahay”.

#Haddaba, su’aasha isweydiinta mudani waxaa weeye, madaxweynuhu ma wuxuu dowladahaasi kala jeedaa saaxiibadiisa Qatar, Itoobiya, Eratariya iyo Turkiga mise wuxuu kala jeedaa kuwa siyaasad ahaan ka soo horjeeda xilligani sida Kenya, Uganda, Sacuudiga, Imaaraadka, Ingariiska iyo dalalka EU # USA?
Farmaajo, oo badi khudbadihiisii hore ku sheegi jiray in beesha caalamka taageerto, ayaa caawa si kulul u eedeeyay beeshii caalamka ee shalay uu ammaanayay?

#Heshiiska tubta doorashada 2020/2021
Ka danjire ahaan waxaa ii muuqanaysa in madaxda Soomaalida oo si adag isku diidanaa in ay isu yara tanaasuleen, welina ay jiraan qodobo aan heshiis buuxa laga gaarin.

#Cadaadiska dowladaha Ajanabiga ah
Sida aan fahamsanahay madaxweyne Maxamed Farmaajo waxaa go’aankiisa doorashada inuu beddalo ku cadaadiyay dowlado shisheeye ?

#Inkastoo ilo muhiim ah ay xaqiijiyeen sidaasi, haddana waxaa laga garan karaa khudbadda dabacsan ee Farmaajo uu caawa jeediyay. Wuxuu yiri “Qofkii Alle u sahlo madaxtinimada waxaan kula dardaarmayaa in dalku uu gaadhsiiyo doorasho hal qof iyo hal cod ah”!
Doorashadaas sidee lagu gaadhi karaa?
Waxaa ay ila tahay ka danjire ahaan, in Soomaaliya ay hesho hoggaamiyeyaal siyaasad caafimaad qabta ku hoggaamiya dalka iyo dadka,

#kuwaasoo meesha ka saara marka hore kala qoqobnaanta dhanka qabyaaladda ama khilaafyada soo jireenka ah ee ka dhex aloosan Koofurta iyo Waqooyiga haddii ay noqotaba.

#Musuqa kuraasta matalaadda labada aqal Ka danjire Maxamed Caalim ahaan waxaan qabaa, in kuraasta baarlamaanka labadiisa aqal ay ku bixi doonto lacag ka badan tii doorashadii hore.

#Waxaa ayna u muuqataa in qofka xildhibaanka noqonaya ay waajib tahay inuu baxsho ku dhowaad $100,000(boqol kun oo dollarka Maraykanka ah).
Doorashada Kursiga madaxtinimada Soomaaliya

#Inkastoo ay jiraan dowlado shisheeye oo had iyo goor dabada ka riixa ninka ay u arkaan inay ka fushan karaan danahooda siyaasadeed ee Soomaaliya, haddana waxaan sii saadaalinayaa in qofka madaxtinimada u ordayaa uu heysto lacag u dhaxeyso 30 Malyan illaa 50 Malyan si uu madaxweyne u noqdo.
Aragtideeyda danaha dowladaha shisheeye

#Ka danjire ahaan, waxaan qabaa in dowladaha mar kasta farageliyo siyaasadda Soomaaliya sida Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Eratariya, Qatar iyo Imaaraadka inay yihiin daneystayaal damac kaga jiro kheyraadkayaga oo uu shidaalka ugu horreeyo.
Inta qof Soomaali ah ay kuwaa gadaal ka taagan yihiin, dowladnimo waa inoo dhiman tahay weli.

Gunaanad

#Waxaa soo jeedinayaa in siyaasiyiinta Soomaalida ay ka wada shaqeeyaan sidii dalkan ay uga dhici lahayd doorasho ka hufan musuq iyo wax isdabamarin.
Dabcan, sida muuqata musuqmaasuqu waxaa uu gaadhi karaa meel sare, qof kursi soo gatayna dalkani waxba uma qabanayo, ee umadda Soomaaliyeed yaan been loo sheegin oo xorriyad ha u helaan cidda ay soo iyagu doonayaan in ay hoggaamiso inay soo doortaan.

Danjire Mahamed Caalim
Wabillaahi Towfiiq
Espoo, Finland
caalim68@hotmail.com