Howlgalladii lagu baadi goobayay danbilayaashii geystay falkii agagaarka Degmada Cadale


Howlgalladii lagu baadi goobayay danbilayaashii geystay falkii shalay kadhacay inta udhaxeysa Deg Raagaceelle iyo Deg Cadalle ayey ciidamada Booliiska iyo Millayariga ku guuleeysteen in ay soo qabtaan eedesanayaal lagu tuhmaayo in ay qayb ka ahaayeen dilkii musiibada ahaa.

Howlgalka ayaa kadhacay tuulada Ceel-xarar waxaana hogaminaya gudoomiyaha Gobolka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan iyo kuxeenkiisa Muuse Shataawe.

Waxaan xaqiijin doonnaa in cadaaladda lamarsiiyo dhamaan intii ku lug laheyd dhacdadii xanuunka nagu wada reebtay.

Marna Lama aqbali doono in gobolka shabellaha dhexe iyo dhamaan deegaannada Hirshabelle State ay gabbaad unoqoto danbiila yaasha noocaasi ah haduu Alle idmo.

Hassan Abdulkhader Mudey