Maxkamadda G/Banaadir oo maanta la horgeeyay dadkii u xirnaa kiiska kufsiga iyo dilka Xamdi Maxamed Faarax.

MUQDISHO:- Waxaa maanta Maxkamada Gobolka Banaadir la hor keenay 12 eedeysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee lagula kacay Xamdi Maxamed Faarax.

Eedeysanayaasha Maxkamadda la soo taagay ayaa waxaa kamid ahaa eedeysane maalin ka hor laga soo qabtay magaalada Cadaado oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahin Cismaan.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo 5 eedeysane oo ay maxkamaddu ku weysay wax dambi ah.

Waxaa weli Baaris ku socotaa 7 eedeysane oo uu ku jiro ninkii gabadha hoteelka ku ballamiyay oo isaga oo baxsad ah laga qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno iyo qaraabada qoyska Xamdi Maxamed Faarax.