Gorfeynta “Godob iyo Gallad” W/Q: Maxamad Abubakar Macalin


Dhiganahan
la magac baxayGodob iyoGalladwuxuu soo bandhigayaa sheekofaneed aad u qiima badan oo wax badan ifineysa. Wuxuu qoraaga si xirfad leh u soogudbinayaa aqoon dhinacya badan taabaneysa, haddii ay ahaan laheyd dhankaafka, dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha iyosharciga iwm. Si kooban, waxa aysheekadaan ku dul wareeganeysaa qoloawooda ku tagri faleysa, una adeegsaneysadulminta iyo danbi dusha ka saaridda kuwaaan waxba galabsan, iyaga oo difaacayakuwii dhibka geystay ee dimbiilayaashaahaa.

Markaad akhrisato sheekadaan waxaadka kororsan kareysaa casharro muhiim ah.Casharrada la gala dhex-bixi karo waxaa kamidah:
1. Xaqu in uu ka guuleysanayo dulmiga.

   Waxaad arkee dhammaadka sheekada in xaqu guuleysanayo.

2. Dadku ineysan wada xumeyn, balse ay ku jiraan dad wanaagsan  oo u taagangarab istaagga dhibbanaha, haddii ayahaan laheyd aqoon, hanti, iwm.

Waxa aad ka dhex arkee dedaalka iyocaawimaadda ay fidinayaan MaammaDahabo iyo Garyaqaan Cosoboow.

3. Culeyska dabadii in fudeyd jiri doono, kaliyase loo baahan yahay sabar si loogagudbo culeeysayada iyo dhibaatooyinkajira.

Waxaa aad sheekada ku dhex arkeysaa sidadhibaatooyinka isaga daba dhacayaan reerMaxaad Cali oo xaalkooda ka arkeysosheekada “MISKIINAA MISKA LA FUULO LEH”oo iyagu sabar, dulqaad iyo Alle talosaarasho ku jiray.(Inna Macal cusr yursa).

4. Waxaa dhimman oo uu qoraagu inoohambeeyay masiirka    Dembiilayaashadhibka geystay, balse qoraagu waxa uusheekada ku afjaray Xaqu waa kii dillaacaadhawaa iyo dheeraaba “AAJIRAN AMA CAAJILAN”.

Qof walba oo daneynaya inuu wax badan ka ogaado hab maamulka dawladeed, xaaladaha xabsiyada, fal-dambiyeedyada, maxkamadaha iyo garsoorka waxaan kulatalinayaa inuu akhristoGodob iyo Gallad.

Waxaan halkaan uga mahad naqayaaqoraaga buugaan Xuseen M. Cabdulle (WADAAD) oo aan wax badan ka faaiday,waxaana leeyahay: Rabbi ha kaa abaalmariyo u adeegidda bulshadaada iyo ka shaqeynta kobcinta garaadkaummaddaada.

W/Q: Maxamad Abubakar Macalin

mahamadkheyr@gmail.com