Dad shacab ah oo ku geeriyooday qarax Al-shabaab ay ku aaseen duleedka Xuddur.

Bokool:-Wararka ka imaanaya magaalada Xuddir ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in Qarax miino dhulka lagu aasay oo lakacday dad shacab ah oo mooto 3 lugoolay saarnaa,kaasi oo maleeshiyaadka Alshabaab ay aaseen.

6 qof oo shacab culimada deegaanka ah ayaa ku dhimatay 2 kalena waa ay  ku dhaawacmeen qarax miino dhulka lageliyey oo haleeshey mooto 3 lugooley ah,taasi oo ay saarnaayeen 8 ruux oo 2 ka mid ah walaalo yihiin.sida uu soo sheegay Maxamed Xasan Cabdiraxmaan Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Bokool.

Qaraxan wuxuu ka dhacay meel xuddur u jirta 25 KM ugana beegan dhanka waqooni waana wadada xiriirisa magaalooyinka ceelberde, quracjoome iyo gobolka hiiraan.

Culimadaan ayaa lasheegey in ay ku socdeen guri lagu casuumay oo quraan ku akhriyaan, waxana saaka lagu aasayaa tuulada Banjinaay oo 15 km u jirta magaalada xuddur,halkaas oo markii hore ka baxeen.

Aragagaxisada Shabaab ayaa ka dambaysay falkaan lagu xasuuqey culimadaan aan waxba galabsan.