Marka mooge!!! (Wiilkeygoow, Annigu ma ihi Reer Marko. Laakin wax ka faham.).

Subaxaan Markii ugu horeeysay ee aan Facebook fiiriyo waxaan ku arkay Wiil ,”Magaciisa ma rabo in aan sheego” soona Qoray (Marko waa Magaalo Dadkeedu jaahiliin yihiin oo aan wax lagu baran).
Wiilkeygoow, Annigu ma ihi Reer Marko. Laakin wax ka faham.
Waqtigii Daakhiliyada 1952 Marko waxaa jiray isguul Ardaydu marka ey aadayaan ey Saacadda Magaalada fiirsadaan si eynan uga Habsaamin casharada. ( F.S:1 & 2aad).
Fiiri: Dalladaha wax barasho iyo Dugsiga Awballe ee wadadda Rowda -Marko,, Fiiri, Ardayda wax ku baranee Guryaha Dabaqyada ah Dushooda, Fiiri, Merca Primary and Secondary School, Fiiri, Sh. Ali Maye Primary and Secondary School. iyo Dugsiyada kale oo faraha badan, Fiiri, Jaamacadda Shabeelaha Hoose ee la asaasay 2010. (F.S: 3-8)
Fiiri: Shaxda wax Barasho ee Gobalka iyo Magaalada iyo Hayadihii ka qeeyb qaatay.( F.S: (9-10).
Weligaa ma tagatay Ceel Jaalle, ex-Ex Ceel Muunye, Xarunta wax barasho .
Aan ku xasuusiyee Abkoowgeey ayaa isaga oo Saqiir ah,100 Sanno ka hor ka soo lugeeyay meel Marko u jirto 450 Km, kadib markii uu Deeq wax barsho aheeyd ” Free Scholarship” uu ka helay, Moowlacii Sh.Cali Maye AUN, Deeqdaa wax barasho oo laga siiyay 100 Sanno ka hor Jaamacadii Sh. Cali Maye, Kuliyadda Culuumta Islaamka iyo Tarbiyada. Markii uu wax Barashada dhameeystayna dib ayuu ugu noqday deegaankiisii si uu u sii fidiyo Aqoontii uu ka soo bartay Reer Marko.
War ha igu daalinine, inta dhiman Reer Marko weeydii ama soo arag, Annigaa Transportiga kaa bixinayee. inta aadan wax ka qorin wax Barashada Marko wax hubso igaarkeey. Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir