Culimada Islaamka:Heshiiskii Baxreyn & Israaiil waa khiyaano qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda Islaamka ah

Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkooda ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay dhawaan la galay Israel, kadib markii heshiis uu shaaciyay Madaxweyaha Mareykanka.

Midowga Caalamiga ah ee Culimada ayaa heshiiskaas Baxrayn la gashay Israel waxay ku ilmaameen inuu yahay khiyaano qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda Islaamka ah.

Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu danbeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan,

Dhanka kale Xoghaye Ali Al-Qardagi ayaa tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg degay, maadaama Israel ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin.

Waa waddankii Afaraad oo Carbeed, isla markaana xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah la yeesha Israaiil, waxaa heshiis hore la gaaray Israaiil wadamada Masar, Urdun, iyo Imaaraadka.