Booliiska Samo-mareeb oo gacanta ku dhigay nin fal dhaawac ah gaystay.

Samo-mareeb:- Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Samo-mareeb ayaa faah faahin ka bixiyay fal dhaawac oo xalay gudaha Magaaladaas loogu geystay nin shacab ah kana mid ah dadka muruq maalka ah ee ku nool magaalada.


Taliyaha Booliska Samo-mareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in nin ku hubeysan tooreey uu fal dhaawac ah u geystay qof lagu magacaabo Maxamed Saciid Xaashi oo muruq maal ah, kadib markii muran la xiriira lacag uu soo kala dhex-galay.

Taliye Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore uu baxsaday ninka dhaawaca gaystay, hase yeeshee ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaas.