YAA DILEY SHAAFI RAABI KAAHIN ??


Waxaan Shaafi ku kulanay Hotel Viktoria Stockholm isagoo la socda wafdi reer Somalia oo howl shaqo u yimid Sweden, Stockholm.
Shaafi waxaan kulaney galabnimo casar ah, waxaana uu iga codsadey inaan ula hadlo wiilasha tijaaradeyda ka shaqeeya in ay u bedelaan tigidhkii uu ku yimid, wuxuu doonayay in loo soo hordhigo.

Intaas kadib waxaan ka wareystey dhowr arimood ay ka mid yihiin sida ay uga shaqeeyaan Somalia xaga abni ahaan, Alaha u naxariistee Shaafi waxaa uu sheegey in ay adagtahay ka shaqeynta meeshaas weliba anigoo kale!!!!.

-Waxaan weydiiyey waxa uu ka wado sida aniga oo kale. “Shabaab ma doonayaan qof horumar ka shaqeeyo iyo kana hor yimaada fikirkooda guracan” ayuu yiri Shaafi.

“Damiirkeyga ima siinayo, inaan dhowrano in shacabka la gu gumaado dad aan waxba galabsan ayuu hadalkiisa kusii darey Alaha u naxariistee Shaafi.
Marka dadkan dadka gumaadayo ee magacyada faraha badan leh sida alshabaab iwm iyagu farabadanaa oo hantibadanaa ayaan weydiiyey?

Walaal waxaaba jirta, hadaad dad isaqabataan noocey doontaba ha noqotee waxaa uu qofkaa aad isqabateen u fudud inuu sahlo sida jidkii lagugu khaarijin lahaa, oo ah in bambo laguugu xiro masjidka hortiisa ama baaburka ayuu iigu jawaabey Alaha u naxariistee Shaafi.

Hadaba waxaan isweydiiyey yaa ka dabeeyey dilkii Shaafi? yaase dhaqaale ku bixiyey? Mid iyadu waa waadix taasoo ah falkaas iney fuliyeen kooxda dadka xasuuqda ee Alshabaab.

Hadaba jawaabtaas, maalin ayay soo bixi doontaa oo la horkeeni doonaa cadaalada Insha alaah, intey doontaba ha qaadatee. Fal danbiyeedkaas qofkii geestey hagaarto, ha gaartadeedee waa la heli doonaa insha alaah.

Ilaahey waxaan uga baryayaa Shaafi in Janatul Fardowso ka waraabiyo, qaraabadii iyo eheladiisan samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxaan ilaahey ka baryayaa cidiii abaabushey iyo cidii amarteyba in cadaalada la horkeeno oo xadka laga gudo.

Qalinka Yassin Baynax