Shirka madaxda DF iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oosaacadaha soo socda Muqdisho ka .

Saacadaha soo socda, waxa lagu wadaa in uu Magaalada Muqdisho ka furmo, shirka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka waxa si rasmiya u daah-furi doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka qayb-gelaya Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa looga hadlayaa xaaladda kala guurka ah ee Siyaasadda dalka, gaar ahaanna arrimaha doorashada soo socota iyo turxaan-bixinta heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee hannaanka doorashada, kaas oo aysan ka qayb-gelin Puntland iyo Jubaland.

Dhanka kale Furitaanka Shirka ayaa la filayaa inay Khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kuwaas oo ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee waddanka.