Dagaal xoog badan oo xalay Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Deegaanka Arbacow.

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM wuxuu ku dhex-maray degaanka Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Xaafada Arbacow, waxaana dadka halkaasi ku nool ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Wararku waxay sheegayaan inuu jiro Khasaaro kala duwan daka degaanka ayaa sheegay inaan laxaqiijin karin ina uu la eg yahay khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, maadaama xiliga uu dagaalka dhacay ay ahayd xilli Habeen ah.

Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleyno Xaafada Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay sheegayaan in xaalada ay hada degan tahay, balse waxaa xusid mudan in dhowr jeer ay Al-Shabaab weerareen Xerada Ciidamada AMISOM ee Arbacow.