Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo laga sugaayo inuu sii khafiifin doono Xayiraadda COVID19 ee saaran dalkiisa.

Madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa, ayaa lagu wadaa inuu Khudbaddiisa Qaranka jeediyo Todobaadka soo socda, isagoo sii khafiifin doona Xayiraadda COVID19 awgii saaran Koonfur Afrika, taasoo iminka maraysa Level2 kuna eg 15-ka bishan September.


Ramaphosa, ayaa la filayaa inuu bandowga gadaal u riixo, Home Affairs-ka Qaxootiga iyo sidoo kale waxaa la leeyahay xayiraada Duulimaadyada oo aad loo sugayo ayuu fasixi doonaa.

Waxaa jiri doono sharciyo adag xagga Safarada Dibadda ah, waxaana Golaha wasiirada iyo Wasaaradda Caafimaadka isku mari la’yihiin qodob adag kaasi oo ah .

● In Dadka ka imaanayaa Dalalka uu Coronaha ku badan yahay (High Risk Countries) ay mari doonan Karantiil 10 cisho ah.

Karantiilkaasi ayaa sida uu qorshuhu yahay hoos loosii dhigi doonaa Bil walba Bisha ka dambeysa 8/6/4/2 Maalmood.

Wasaarada Dalxiiska ayaa ku doodeysa in aysan macquul aheyn qof dalxiis u soo baxay in 10 maalmood meel ku xarreysnow aysan macquul aheyn, waxayna Wasaaraddu ku doodeysa in qodobkaasi uu aad u wiiqi doono imaanshiyaha Dalxiisayaal fara badan oo la filan karo marka Duulimaadyada Caalamiga ah la furo.

Qodobkan, ayaa ah kan ugu adag ee la isku mari la yahay balse waxaa lagu balamay kulamo kale, kuwaasi oo wixii la isku raaco uu Madaxweynaha shacabka u soo bandhigi doono Bartahama Isbuuca soo socda ama dhammaadkiisa.

Abdulrazak IndhaJaceyl