Madaxweynaha Jubbaland oo amray in laamaha Amniga baaraan Qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Al-Shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Mas’uuliyiin ka soo baxay masaajidka Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe wuxuu faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay ka soo dhalaalan mas’uuliyada sugida nabadgalyada.