Kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha K/galbeed iyo madaxweynaha Puntland.

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo howla shaqo ujooga Magaalada muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.

Masuuliyiinta ayaa qaatay kulan ku saabsanaa isxog wareysi iyo kala warqaadasho Arrimaha Siyaasadda Dalka Doorka labada Dowlad goboleed ay ka qaadanayaan Geedi socodka Dowladnimada Dalkeena,ka shaqeynta Amniga,Hormarinta Dhaqaalaha,la dagaalanka Argigixisada iyo Horumarinta Bulshada.

Kulanka ayaa sido kale Labada Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani iyo Abdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen kaga hadlay Wanaajinta iyo iskaashiga labada Dowladood Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo Dadaalada lagu Dardargelinta Hanaanka Dowladeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Uga Mahadceliyey Madaxweynaha Puntland siciid Abdulaahi Dani Booqashada ugu Yimid kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeye guud Mahad Abdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Siihayaha Wasaaradda Cadaalada iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr ali saciid fiqi.