Madaxweyne Qoor Qoor ayaa safar dagdag ah Nairobi ku aaday, Sababta Maxay tahay?


Madaxweyne Qoor Qoor ayaa safar dagdag ah Nairobi ku aaday goor dhaweyd. Lama shaacin safarkiisa oo ay diyaarad UN-ah ay Xamar ka qaaday.

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Qoor Qoor Sababta uu magaalada Nairobi u aadey halka habeen waxay tahay in Abdikariin Hussain Guuleed laga dhigo Ra’iisul wasaaraha somaliya waxaana Taasi la og fahad yaasiin. Ahmed Qoor Qoor Saacadihii magaalada baydhabo joogey madaxweynaha koofur Galbeed somaliya iyo madaxweynaha hirshabeelle ayuu u sheegey iney ogolaadaan hal Sano oo mudo kordhin farsamo oo Doorashada somaliya lagu Qabanaayo Ra,iisul wasaarana lagu Soo magacaabaayo.

Shaqalada labo koox ayaa loo kala Qeybsadey madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo fahad yaasiin waxay Abdikariin Guuleed geynaayaan Ra’iisulwasaare waxayna intooda kawada Shaqeynaayaan mudo kordhin loogu magacdarey Mudo kordhinta Farsamada Doorashada soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo isagana waxaa loo Direy madaxweynaha Puntland iyo jubbaland inuu kasoo dhaadhiciyo mudo kordhinta farsamada ah.

Gudoonka Baarlamaanka somaliya iyo madaxda Xisbiyada Dalka wax shaqo ah kuma lahan Farsamada mudo kordhinta ee Socota.

Warar xog hoose ayaa waxay sheegayaan in ra’iisulwasaare la siiyay Abdkariin Xuseen Guuleed waxaana lagu dhawaaqayaa Isniinta, Farmaajo wuu aqbalay.

Waxaa markale dib u dhac ku yimid shirka ay Muqdisho ku yeelan lahaayeen maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe oo berito furmi lahaa. Waxaa caawa xiran jidadka Xamar.