Gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland oo ku dhintay qarax Kismaayo ka dhacay.

Kismaayo:- Alle ha u naxariistee waxaa salaadii Jimcada ka dib qarax lala beegsaday ku dhintay gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay wiil uu adeer u ahaa gudoomiyuhu, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6-ruux oo sadex ka mid ah ay ilaaladiisa ahaayeen.

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Masjid u dhaw Xarunta Maamulka Degmada Kismaayo.