Ciidanka Kumaandooska ee Danab oo Gubay Maxkamadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Toora-toorow.

Ciidanka kommaandooska Danab gaar ahaan ururka 4-aad ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayey qaar ka mida horjoogayaasha Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaano ka mid ah Sh/Hoose.

Qaraal ay Ciidanka kommaandooska Danab soo dhigeen bartooda Facebook ayaa ku cadeeyeen in hawlgalkan oo ay qayb ka ahaayeen shacabka soomaaliyeed ciidanku gacanta ku soo dhigeen labo xubnood oo kala ah madaxii Al-Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool oo loo yaqaan sheekh Cabdala, balsa magaciisu yahay ibraahim iyo xubin kale oo ka tirsan horjoogayaasha Shabaab, kuwaasoo haatan ku jira gacanta ciidanka kommaandooska Danab.

Dhanka kale waxay ciidanka Kumaandoska sheegeen inay dab qabadsiiyeen maxkamadii Al-Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Toora tooroweeGobolka Sh/Hoose.