Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saakay Dhabxaan lagu xir xiray iyo dadka oo lugaynaya.

Waxaa saakay Xiran waddooyinka ugu muhiimsan isku socodka dadweynaha ee Maagaalada Muqdisho, waxaana saakay shacabka Muqdisho ay ku waabariisteen waddooyinka Caasimadda oo xiran iyo Ciidamo farabadan oo la soo dhoobay waddooyinka.

Waxaa la arkayaa dadka shacabka ah oo saakay lugeynaya waddooyinka mana jiraan wax gaadiid dadweyne ee isticmaalaya waddooyinka waa weyn inta badan shacabku ay isticmaali jireen.

Sababaha keenay in la xiro ayaa lagu sheegay shirka wadatashiga ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka, kaas oo la filayo in saacadaha soo aaddan uu ka furmo Muqdiosho.

Wali ma furmin shirka u dhexeeyay mas’uuliyiinta ku ballansanaa Muqdisho ee lagu waday in maanta oo Khamiis ah uu si rasmi ah u furmo shirkooda.

Waxaana lasoo sheegayaa in shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada uu dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansdanaa.

Dhanka kale Wararku waxay sheegayaan inay jiraan sababo dhowr ah oo keenya in shirkaasi uu dib u dhaco, waxaana la sheegay inay wali taagan yihiin khilaaf yadii u dhexeyay dowladda dhexe iyo maamulada Jubbland iyo Puntland.