Shirkii madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta la filayo inuu Muqdisho ka furmo.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka.

Ujeedada kulankan ayaa ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka hadheeyay doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo billowga sanadka dambe.

Madaxda Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo hore uga qeybgalay shirkii Dhuusamareeb-3 ayaa ku adkeysanaya in qodobbadii ka soo baxay shirkaasi ay dan u yihiin Soomaaliya, halka kuwa Jubbaland iyo Puntland oo aan shirkaasi qeyb ka ahayni ay doonayaan in arrimahaasi dib looga wadahadlo.