Sababaha keenay inuu baaqdo shirka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada ee maanta ka dhici lahaa Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in dib u dhac uu ku yimid Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira Dalka, kaas oo loo ballansana inuu Maanta oo Khamiis ah ka furmo Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa la sheegay inuu dib ugu dhacay arrimo farsamo dartood maanta, islamarkaana uu si rasmiya u furmi doono Sabtida soo socota, kadib markii la dhammaystiro Arrimaha farsamo ee dhiman.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay shalay soo gaareen Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, halka madaxda Puntland iyo Jubaland horay u sii joogeen Caasimadda dalka.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland, si heshiis midaysan looga gaaro Hannaanka doorashada soo socota.