Dowladda Soomaaliya:Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxyo dheemish ah oo Amniga Magaalada lagu qalqal galinayay.

Markii Caawa Dhawaqa Hoobiyeyaal laga maqlay Muqdisho ayaa arintaasi Waxaa ka hadashay Dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in caawa wixii Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen Qaraxyo dheemish ah oo Amniga Magaalada lagu qalqal galinayay.

Waxaa Sidoo kale lagu sheegay Warka dowlada in uusan jirin Khasaare ka dhashay.

Warka Dowladda siddaan ayuu  u qornaa:

Caawa abaare 20:20 fiidnimo ayeey argagixisadu sameeyeen arbushaad, Iyagoo Baaruud dheemish ah oo ay Bacyo kusoo qariyeen dhigay Xaafado Magaalada Muqdisho ka tirsan, Kuwaas oo lahaa dhawaaqa Qarax laakiin aan geeysanin wax qasaare dhimasho ama dhaawac ah.

Xaaladda Ammaanka Magaalada Muqdisho waa mid daggan, iyadoo ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay wadaan baaritaano dheeraad ah.