Deg Deg:Madaafiic Hoobiyaal ah oo ku soo dhacay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir

Warar aan helayno ayaa waxay sheegayaan in hoobiyayaal lala beegsaday degmooyin ka mid ah Muqdisho, waxayna dadkamuujinayaan inay jirto cabsi aad u daran.

Jugta Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka Gobolkan Banaadir Caawa, waxayna Madaafiicdu ku dhaday sida la sheegay qeybo ka mid ah degmooyinka Xamar Jajab, Shibis iyo Warta Nabadda.

Dhanka kale lama oga khasaaraha ka dhashay weerarradan madaafiicda ah oo goor dhowayd ka dhacay Muqdisho, waxaana sidoo kale weli ka hadlin Hoobiyeyaashaan mas’uuliyiinta Hay’daha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya.