Buundadii isku xiri jirtay Gobolada Sh/Hoose, Bay iyo Bakool oo gebi ahaanba Bur burtay.

Wararka laga helayo gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay sheegayaan inay go’day Buundada isku xirta gobolada shabeellada hoose, Bay iyo Bakool, iyadoo buundadan ay ku taallo deegaanka Warmaxan.

Buundadan ayaa muhiim u aheyd isku-socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koofurta Soomaaliya,waxaana go’ida buundadaas xaqiijiyey dadka deegaanka iyo maamulka gobolka.

Sababta ka dambeysay inay go’do buundada ayaa lagu sheegay kadib markii ay ku soo fataheen biyaha webiga shabelle.

Dadka ku nool deegaanka Warmaxan ayaa sheegay in gebi ahaanba Buundada ay burburtay,isla markaana aan la aqoonsan karin halkii ay ku taallay, mana jirto cid wax ku noqotay.