Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay khasaaraha qarax lagu weeraray agagaarka Villa Soomaaliya.

Qarax jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta ka dhacay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Weerarka ismiidaaminta ah ayaa laamaha ammaanka Soomaaliya laga soo xigtay inuu ka dhacay maqaayad ku dhow mid ka mid ah baraha kontarool oo laga ilaaliyo ammaanka Madaxtooyadda Soomaaliya ee degmada Warta nabada ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Fahfaahino horudhac ah ayaa muujinaya in qaraxu Khasaare kala duwan gaystay iyadoo gawaarida Ambalaasta ay gaareen goobta qaraxa uu ka dhacay, Taliska Booliska Soomaaliyeed oo dhacdada xaqiijiyey ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan tirokoobka waxyeelada uu gaystay qaraxaasi.