Prof. Mohd Hassan Ali “Waxaan ku talinayaa in wax laga badalo hanaanka Qabyaaladda oo aan ognahay halka ay na dhigtay..”

Marka ay timaaddo ka hadalka aaya-ka-talinta Dadkeena iyo Dalkeena Somalia, kuma koobna Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka gudaha oo kaliya ee sidoo kale waxaa jira Dhallinyaro indheer-garad ah oo ku talinaya in wax laga badalo hanaanka iminka wax ku socdaan ee ku salaysan Qabyaaladda aan ognahay halka ay na dhigtay.


Mohd Hassan Ali, oo ku nool Koonfur Afrika, waa Professor Dalka dibadiisa wax ku bartay, islamarkaana si weyn u falanqeeya Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda, wuxuuna nasiib darro u arkaa in iyadoo la joogo 2020 waxaa laga hadlo ama la yeesho shirar magacyo qabiil xambaarsan, isagoo is weydiiyey “ilaa goorma ayaa ku jiri karnaa xaalkaan ? Ma waxaa ku qanacnay inaan sidaas isku dhaqno, dunida kalena aan sharci, shaqo, iyo waxbarasho ka raadino ?”.

Prof. Maxamed iyo aqoonyahano kale oo badan, ayaa qaba in isbedel cilmiyeysan ay u baahan yihiin Shacabka Soomaaliyeed, haddii kale ay adkaan doonto sidii looga gudbi lahaa wadcigan awoowayaasheen iyo intii ka horaysay ay soo wadeen, jiilka haatan soo korayana ay usii joogi doonaan.