Itoobiya ma waxay wajeheysaa caqabado la mid ah kuwa Soomaaliya.

Maamulka gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa in beri ay ka dhacdo doorasho u gaar ah oo khilaaf uu ka taagan yahay.

Dadka ka faallooda arrimaha geeska Afrika waxay u sababeynayaa nidhaamka federaalka iyo saameynta ka dhalata.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka hannaanka Federaalka qaatay ee Geeska Afrika, waxay wajeheysaa caqabado ay ka mid yihiin “kala soocnaanta awoodaha maamullada iyo dowladda dhexe iyo hay’adaha fulinta”.

Soomaaliyana waxaa sidoo kale horey uga dhacay khilaafaad la xiriiray arrimaha doorashada maamul goboleedyada iyo cidda gacanta ku hayneysa.

Dhibaatooyiinka isku midka ah

Dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo maamulka Tigreega ayaa in muddo ku muransanaa arrimaha doorashada oo ay dowladdu dhexe dib u dhigtay taas oo la xiriirtay saameynta fayarska Korona.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadana waxay weli isku mari la’ yihiin sidii heshiis looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka, Madaxda maamulllada Konfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in beri oo arbaca ah uu shir uga furmo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Madaxda sedexda maamul goboleed ayaa ka arinsanaya arimaha doorashooyinka federaalka iyo xaaladdaha siyaasadeed ee xiligan dalka ka jira.

Dhan kale war ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maalinta Khamiista ay madaxda maamul goboleedyada iyo Federaalka uu Muqdisho uga furmo shirka looga arinsano arrimaha doorashada oo uu saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Feysal Rooble oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in arrintani ay ismari waa ka dhex dhalisay Tigreega iyo dowladda Dhexe.

“Dowladdu federaalku leedahay sharciba ma ahaa in dowlad deegaanku Tigreega iskood u qabtaan doorasho , kuwa tigreegana waxay ku doodayaan cahdi qarameedka u yaalla uu fasaxaya”

Nidaamka federaalka

Inta badan nidaamka federaalka Soomaaliya iyo Itoobiyaba waxaa saldhig u ah sharciyada u yaalla dowladda dhexe iyo kuwa maamulada oo qeexaya awoodaha, sida uu sheegayo Feysal Rooble.

“Waxan federaalku lagu leeyahay waxaa haga oo dadka kala soora cahdiga qoran ee markaa meesha u yaalla, kan Soomaaliya iyo kan Itoobiya labaduba waxay xadeynayaan dowladda dhexe awoodaha ay leeyhiin isla markaana awoodo badan ay siinayaan dowlad goboleedyada, marka waxaad mooddaa in labada dhinacba ay isku afgaran la’yahay xadka ay dowladda federaalka leedahay iyo meesha awooddu ka bilaabmato”

“Kan Itoobiya qodobka 52-aad wuxuu sheegayaa in wax alle wixii kasoo hara awoodda dowladda dhexe ay leeyihiin dowlad goboleedyadu kan doorashadu waxay dadka qaarkood u micneysanayaan in doorashadu ay gacanta ugu jirto dowlad goboleedyada aanay dowladdu federaalku waqtiga la qabanayo iyo sida uu u dhacayo aanay waxbo shuqul ku laheyn” ayuu yiri Feysal Rooble.

Dr Cabdi Wahaab Cabdisamad oo ka falooda arrimaha caalamka ayaa sheegaya in Abiy Axmed ay ka go’anatahay in sidii nidaamka federaalka looga saari lahaa Itoobiya, loona dhiso dowlad xoog badan oo mideysan.

Farmaajo iyo Abiy oo xabadka isku salaamaya

“Meeshan waxaa is hardinayaa Abiy Axmed oo ay ka go’antahay in uu soo celiyo Itoobiyada awoodda badneyd ee Menelik iyo Mengistu iyo Haile Selassie.. oo la baaba’sho waxa loo yaqaano nidaamka federaalka ee Itoobiya oo dowladda mideysan uu dalka kusoo dabaalo oo markaa Itoobiya oo xoog leh uu arko”

“Soomaaliya waa taa hadda laisku keen la’yahay aad arkeyso, nidaamkan federaalka ee Soomaaliya, Soomaaliya waa dad isku diin ah, waa dad dhaqan ah waa dad isku af ah , waa dad dhinac walba isaga eg, federaalka waxaa ilaasha dad kala aragti duwan , dad kala dhaqan ah kala diin ah kala af ah kala midab ah….waa nidaam caqabadihiisa iyo dhibaatooyinkiisa ay taagan yihiin… waa nidaam loogu talagalay Soomaaliya in haadaan looga tuuro” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab.

Itoobiya waxaa ka qabsoomay isabaddalo siyaasadeed tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaa furfurantay siyaasadda dalka, haddaba, arrintaas saameyn maku leedahay khilaafka ka dhex taagan maamul goboleedyada qaar iyo dowladda dhexe?

“Dowladda dhexe oo daciiftay, nidaamkii kaligii taliska ahaa oo sidii hore aan u jirin iyo Tigreega oo markii hore qolada ugu tunka weyn ka heyd nidaamkii hore oo hadda gaar isku taagtay”

Feysal wuxuu ka dhawaajiyay in arrimaha ay ka biyo diidsan yihiin maamulada qaar ee Itoobiya ay tahay in dowladda dhexe ay dooneyso inay majaxaabiso nidaamka federaalka.

“In dib loogu noqdo micnaha iyo turjubaadda saxda ah ee ku qeexan ama ku hoos jirta cahdigan dalka u yaalla, waxyaabaha badan ay Tigreega ka biyo diidayaan arrinta doorashada ay rabaan inay ku tijaabiyaan awoodda dowladda dhexe inta ay la egtahay waxay sabab u yihiin waxyaabaha kale ee laisku diidan yahay sida qodobka 39-aad oo laga baqayo in Abiy uu ka saaro cahdiga qowmiyadaha xuquuqdooda siinayo”

Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya

Wuxuu sheegay in doodda ku aadan in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaamka federaalka ay Itoobiya kaga horreysay isla markaana nidaamkan uu yahay mid isku mid ah oo ay u muuqato in sidii la rabay aanan looga dhaqan gelin labada dal, sidaas darteedana uu markasta usoo ifbaxa khilaafka.

“Doodda oroneyso Soomaaliya federaal ha noqoto waxay bilaabmatay 1981-dii, laakiin dooddan ah in Soomaaliya ay u baahan tahay federaal Itoobiya oo aan federaal aheyn bey indheer garadku soomaalida gaar ahaan kuwa waqooyga arrintan wadeen, sideeba nidaamka federaalka waa isku mid.. waxaad mooddaa labada dalba in nidaamkii federaalka hirgelintiisa laga gaabiyay”

Xigasho:BBCSomali