Ciidamada Dowladda oo dib ula wareegay saakay Degmada Balcad.

Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa saakay aroortii ku dagaalamay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Hoose, dadka degmada oo isu diyaarinaya Goobaha waxbarasho iyo shaqo ayaa mar qura maqlay rasaas jihooyin kala duwan ka dhaceysa.

Qaar ka mid ah dadka Degmada ayaa sheegay in Xaafadaha qaar ay gudaha u galeen dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana ka mid ah meelaha ay tageen Saldhigga, Xabsiga oo ay ka sii daayeen dad dambiyo kala duwan u xiran iyo meelo kale.

Ciidamada Dowladda waxay tageen duleedka Magaalada Balcad oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Militariga Burundi oo mas’uul ka ah sugidda ammaanka Degmadaas iyo deegaannada kale ee u dhaw.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Dagaalka ka dhacay Degmada Balcad, qof la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in uu arkay Maydka labo ruux, halka dhaawacyo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa marar kala duwan ka digtay culeyska military ee Al-Shabaab ay saartay Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana sababta uu ku sheegay duqeunta iyo howlgalada Ciidamada DFS, AMISOM iyo Duqeynta Diyaaradaha Mareykanka.