Al-Shabaab oo xalay dagaal ku qabsatay Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa saakay xili hore weerar ku qaaday Al-Shabaab, jihooyin kala duwan oo Magaalada ah waxaa marqura is qabsatay rasaasta dhexmartay ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dadka degmada ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen Balcad, kadib markii uu xoogeystay Dagaalka, waxana Al-Shabaab u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan Saldhigga, Xabsiga oo ay kasii daayeen Maxaabiis iyo xarumo kale.

Ciidamada Dowladda waxay u tageen Askarta Midowga Afrika ee AMISOM oo duleedka Degmada Balcad ku leh Saldhig Militari, iyada oo la maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamada Burundi.

Dagaalka ayaa ku bilawday hubka culus ee Garbaha laga tuuro waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadka rayidka ah inkasta oo aan la heyn tiro rasmi ah.

Al-Shabaab ayaa xabsiga Degmada Balcad ka sii daysay Maxaabiis u xirneed kiisas kala duwan, waxay qaateen Gaadiid ay leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada, halka ay burburiyeen saldhigyada Ciidamada.

Gudaha Degmada Balcad waxaa lagu dhex arkayaa dagaalanyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay wadaan abaabul ay ku doonayaan gacan ku dhigista Magaaladaan 30 KM u jirta Caasimadda dalka.

Dhanka kale Degmada Balcad sidaan oo kale ayay Al-Shabaab u weerartay sanadkii hore, waqtigaas waxa ay gubeen gaadiid ay lahaayeen shaqsiyaad katirsan maamulka Degmada, halka kuwo kale ay horay usii qaateen.