Maamulka Jubbaland oo Howlgalo lagu qabanaayay Burcad dhac gaysatay ka sameeyay Magaalada Kismaayo.

Waxaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku soo kordhay falal amni darro, iyada oo xilliyada habeenkii Kooxo hubeysan ay dadka dhac u geysanayaan.

Taliska Booliska Kismayao ayaa sheegay in dad farabadan oo Shacab ah laga dhacay taleefoonadooda,isla markaana Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo G/lle Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay inay sameeyeen howlgallo looga hortagayay Kooxaha Burcadda ah oo hubeysan,isla markaana tira ka mid ah ay gacanta ku dhigeen.

Dhanka kale Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ayuu Taliyuhu ugu baaqay inay laamaha Ammaanka la Shaqeeyaan si loo sugo Amniga Magaalada oo maalmahaan cabasho uga imaaneysay.