Guddoomiye Cumar Filish oo balan qaaday inay dhisi doonaan Wadooyinka Burbursan ee Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa kormeeray dhismaha Wadada isku xirta isgooska Boondheere iyo siinaay oo dhismaheeda Meel gabagaba ah Mareysa.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadaas ay gacan ka geysteen qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana uu rajeynayo inay ka faa’iidi doonaan Bulshada.

Cumar Filish wuxuu sheegay inay jiraan wadooyin farabadan oo ku yaalla Caasimadda oo weli burbursan,isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada ay dhisi doonaan wadooyinka Muqdisho.