FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ( WATER MELON).

Qaraha waxa uu kamid yahay dhirta ubaxleyda ah wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa dalka Koofur Africa, Qaraha waxa uu ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan CUCURBILACEAE.
Qarnigii 7-aad ayuu qaraha gaaray dalka India halka uu dalka China ka gaaray qarnigii 10-aad, dalka dunida ugu soo saarista badan qaraha waa China 90% ayuuna soo saaraa, dalka ugu isticmaalka badana waa China 10% ayeyna isticmaalaan qaraha dunida oo dhan laga soo saaro.
FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA (WATER MELON ) WAXAA KAMID AH: • Qaraha waxa uu ilaaliyaa caafimaadka WADNAHA.
• Qaraha waxaa kujira isku dhisyo kahor taga cudurka KANSARKA oo ay kamid tahay LYCOBENE.
• Qaraha waxa uu hagaajiyaa howsha habdhiska DHEEF SHIIDKA.
• Qaraha waxa uu kahor tagaa caabuqa NABARADA.
• Qaraha 92% waxa uu ka kooban yahay biyo sidaa darteed jirka ayuu FUUQIYAA ( QOOYAA ).
• Qaraha waxa uu ilaaliyaa caafimaadka INDHAHA.
•Qaraha waxa uu u wanaagsan yahay MAQAARKA iyo TIMAHA.
• Qaraha waxaa kujira maadada loo yaqaan CCITRULINE sidaa darteed waa VIAGRA dabiici ah ( NaturalViagra ).
• Qaraha waxaa jira FIITAMIINO ay kamid yihiin A, C, B1, B5, B6 iyo E.
• Qaraha waxaa laga helaa MACDANO ay ka mid yihiin Potassium, Magnesium iyo Iron (Bir).
By.Muse Mohamed Osman.
E- Mail: muusekiimiko@gmail.com