Ciidanka Dowladda oo soo saaray Miinooyin ay aaseen maleeshiyada Al-Shabaab,

Muqdisho:– Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta DANAB ee ka howlgala Galmudug ayaa maanta baaritaano lagu soo saaray Miinooyin Argagixisada Al-Shabaab aaseen ka sameeyay Deegaanada Shabeellow, Dhagaxley iyo deegaano kale oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Maamulka Deegaanka Shabeellow ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay,iyagoona tilmaamay in Miino qaraxday uu khasaare kasoo gaaray Gaari Ciidanku leeyihiin

Saraakiisha Ciidanka ayaa tan iyo shalay waday baaritaano kala duwan oo ay ku soo saarayaan waxyaabaha qarxa oo ay Al-Shabaab ku aaseen deegaankaas oo maalmo ka hor ay dadka shacabka ah kula dagaalameen.

Kooxda argagaxisada Al-Shabaab ayaa inta badan deegaanada ay ka cararaan waxay geliyaan miinooyin waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah.