Dowladda UK oo Dowladda Soomaaliya ugu deeqday Gaadiid Ciidan+Sawirro

Muqdisho:-Dowladda Ingiriiska ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid Ciidan oo loogu tala galay qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga Dalka.

Sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa Boqortooyada Ingiriiska ugu mahad-celiyay taageerada Ciidan ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 60-aad oo lagu wareejiyay qaar ka mid ah Gawaari Dagaal noocyadooda kala duwan oo qayb ka ah dib-u-dhiska ciidamdda xoogga Dalka Soomaaliyeed.’ayuu yiri Wasiirku.

Mudane; Ammar dambe ayaa Dowladda UK iyo Shacabkeeduba ugu mahad celiyay sida ay uga soo jawaabtay codsiga Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay kala qeybqaatato dib u dhiska Ciimadamada qalabka sida.