Maamulka Gobolka Hiiraan oo kormeeray goobaha laga dhisay Biyo xireennada Webiga Shabeelle.

Baladweyne:-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyadda, Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maaddeey iyo Duq Magaalada Baladweyne ayaa kormeer ku tagay goobaha Biya xireennada laga sameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo maaliyadda, Abuukar Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guddiga u xilsaaran fatahaadda Beladweyne ay wax badan oo muuqda ka qebteen goobaha ay ka sameeyeen Biya xireenada.

Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadeey ayaa sheegay in maamulkooda uu gacan ka geysanayo sidii guud ahaan loo ballaarin lahaa Biyo xireennada laga dhisay duleedka Beladweyne, si looga hortago in Webiga Sbabeelle uu fatahaad sameeyo.