Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare BFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland +Sawirro

Muqdisho:-Guddiga joogtada Golaha aqalka sare BFS ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedyka Jubbaland .

Gudoomiyaha Aqalka sare ee BFS, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka usoo jeediyay in ay ku dedaalaan sidii Dalkan loo samata bixin lahaa .

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan ayaa u mahadceliyay golaha Aqalka sare sida ay iskugu dayeen isu soo dhoweynta Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa ka warbixinyay maamulka Jubbaland iyo dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyada Al-Shabaab.