Dowladda Soomaaliya oo u Yeertay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ay u Magacaawday Gobolka Gedo.

Warar la helaayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay u yeertay dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo ay u magcaawday.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo ee Dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay isugu tegay Degmada Doolow, iyagoona halkaas Maanta ka soo ambabixi doona, waxaana ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa bilowday dadaalada xal u helida xiisada maamul ee ka jirtay Gobolka Gedo, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku dhow kulankii habeen hore dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya inay bilowdeen howlaha farsamo ee lagu doonayo in xal looga gaaro arrinta Gedo oo ay mabda’a ahaan isla qaateen Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, waxaana la qorsheynaya in shir dib u heshiisiin loo qabto labada dhinac ee isku hayay maamulkaas, kaddibna la magacaabo Guddi ka shaqeynaya dib u dhiska Maamulka.

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kal horey Dowladda Federaalka ka dalbaday in Gobolka Gedo laga saaro Ciidanka Dowladda ay halkaas ku daadgureysay, isla markaana Maamulkiisa dib loogu soo celiyo gacanta Gobolkaas, xalna laga gaaro khilaafyada jira ee ka dhashay xaaladii siyaasadeed ee u dhexeeysay DFS iyo Jubbaland.