Dowladda Soomaaliya oo Maanta Shaacisay Kiisas Cusub Oo Cudurka COVID-19 ah.

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 159 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 2,738.
Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 52 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 4, Puntland 40, Gobolka Banaadir 3, iyo Jubbaland 5 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,362.
Bukaannada cusub 38 ka mid ah waa rag 14-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jiro qof u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 97 qof.
Siihayaha Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.