Axmed Madoobe oo maanta kulan la yeelanaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxay kulankoodii caadiga ahaa ku la yeelan doonaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaadan doono Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddiga Joogtada.

Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa Khubad ka jeedin doona Axmed Madoobe, isaga oo uga hadli doona Arrimo kala duwan, waxaana la filayaa in Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ay su’aallo weydiiyaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho Talaadadii la soo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la qaadanayay Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Dowladda, Siyaasiyiin iyo xubno kale.